General Biixi oo shaaciyey fal aan horay loo arag oo Shabaab ku kaceen

Generaal Biixi oo digniin u diray Askarta dowlaadda ee rasaasta ku fura dadka shacabka
Generaal Biixi oo digniin u diray Askarta dowlaadda ee rasaasta ku fura dadka shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ah Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa xog yaab leh ka bixiyay fal ay sameeyeen kooxda Al-Shabaab, kadib markii dagaalamayaal badan looga dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay madaxa ka jareen meydadka saddex ruux oo looga dilay deegaanka Abooreey, isagoo dadkaasina ku sheegay iney ahaayeen horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda.

“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo Radio Muqdisno u waramay.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in kooxda ay ugu talagashay inaan la qaban ama la aqoonsan meydadka saddexdaasi qof oo uu ku sheegay iney xilal sare ka hayeen kooxda, wuxuuse wax lala yaabo ku tilmaamay kooxda ku dhiiratay in meydkoodii ay qoorta ka sii jaraan.

“Waxay ku tala galeen in xubnahaas aan la aqoonsan oo aan geeridooda la ogaan, laakiin waxaa mucjiso ah nin garabkaaga ka dagaalamayey markii la dilo inaad madaxa ka jarato.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka oo u jawaabayay Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa dhinaca kale tilmaamay ineysan kala joojin doonin weerarafa safka balaaran leh ee kooxdaasi ku foorara.