General Indhacade oo la qorsheeyey in loo dilo sidii Almaas Elman, xili uu ku sugnaa Xalane.

General Indhacade oo toogasho ka badbaaday
General Indhacade oo toogasho ka badbaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-General Indhacadde, ayaa shalay ka badbaaday toogasho meel dheer ah, xilli uu ku suganaa Xerada Xalane dhanka xeebta, halkaas oo lagu ordo galabkii iyo subixii, waxaana labo xabad oo lala beegsay mid ka mid ah ay ku dhacday koofida u xirneyd, sida ay qoysku sheegeen.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in rasaasta ku dhacday koofida General Indhacadde, ay laamaha ammaanku ku tilmaameen rasaas habow ah oo aan ahayn weerar qorsheysan.

Indhacadde ayaa isku soo taagay tartanka kursiga HOP138, Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Almaas Elman, oo ka tirsaneyd qoys u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka nabadda iyo cadaaladda, ayaa la xasuustaa in 20-kii Noofambar, 2019, lagu toogtay goobtaan si adag loo ilaaliyo oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xerada Xalane, waa goob ay deggan yahiin inta badan wakiillada ka socda beesha caalamka, mana jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay dilkii loogu geystay Almaas Elman, xilli ay saarneyd gaari ku sugnaa gudaha xarunta.

Fahad iyo Farmaajo ayaa hore loogu eedeeyay in ay khaarijiyeen saraakiil iyo siyaasiyiin ka aragti duwanaa kuwaas oo uu ka mid yahay AUN General Galaal oo la dilay bishii Feberaayo.

Fahad iyo Farmaajo, ayaa inta badan shaqsiyaadkii iyo saraakiishii hormuudka u ahaa Badbaado Qaran u qorsheeyay khaarijin, marka laga soo tago xubno dhankooda u wareegay.

Indhacadde, ayaa ka tirsnaa saraakiil hor istaagay muddo kordhintii April, kuwaas oo si weyn u abaabulay ciidankii Badbaado Qaran ee bartamihii April, soo galay Caasimadda, si ay u diidaan waqti dheereysigii Farmaajo sameystay 12-kii bishaas.