Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo war kasoo saaray dagaalka ka socda Itoobiya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka muddada sanadka ah ka socda Itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga TPLF.

Golaha ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya naceybka iyo colaadaha, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Waxaa sare u kacay xiisada ka dhalatay kacdoonka Tigreega ee ku wajahan Addis Ababa.

Jabhada TPLF ayaa sheegtay in ay u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa lagu hayo qowmiyadda Tigreega.

Saacado ka hor 9 kooxood oo dowladda Itoobiya ka soo horjeeda ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul