Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta shir ka yeelanaya xaalada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta Gelinta dambe waxaa la filayaa inay shir ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, xilli weli aan wax heshiis ah laga gaarin doorashada Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa warbixino looga dhageysan doonaa Shirka.