Golaha Shacabka oo berri codka kalsoonida u qaadaya Xukuumada Cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare ayaa maalinta berri hortagi doona xildhibaanada  Golaha Shacabka si codka kalsoonida u weydiisto ama loo ansaxiyo xukuumadiisa cusub.

Qoraal lasoo dhigay barta facebooka ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri.

“Beri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.
Agendaha. 1. U codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda. Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”