Golaha Shacabka Oo Loogu Baaqay Ineysan Ansixin Wasiiradda Cusub Ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar oo kamid ahaa baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ayaa dhaliilay hanaanka uu ra’iisil wasaare Xamse u maray magacaabista golaha wasiirada cusub ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in wasiiro aan tayo leheyn la siiyay mudanayaasha ka soo jeeda Koofur Galbeed, isagoo shaaciyay inaan muuqan wax isbedel ah oo ka muuqda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“aniga waxaan ka codsanaa golaha shacabka in aan la ansixin Golaha Wasiirada” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga Universal.

Xildhibaan hore Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa dhinaca kale tilmaamay in xukuumadda uu shalay gelinkii dambe uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xamse ay eheyd xukuumaddii ugu liidatay ee abid dalka soo marta, sida uu hadalka u dhigay.

” waa Golahii Wasiirada ugu xumaa ee abid Soomaaliya yeelato” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudanahan, isagoo qiray in wasaaradaha ugu hooseeyay la siiyay wasiirada Koofur Galbeed ku metela hay’adda fulinta ee dalka.

Si kastaba, La-yaabka ugu weyn ee ku jira golaha wasiirada cusub ayaa ah; Mukhtaar Roobow oo loo magacaabay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta. Mukhtaar Roobow ayaa muddo ka badan saddex sano iyo bar xabsi ugu jiray dowladda federaalka, kadib markii ay dowladdii Farmaajo kasoo xirtay magaalada Baydhaba bishii December 2018.