Golaha Shacabka Oo Maanta Ansixiyay Heshiisyo Caalami Ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xil-siigaarsiinta ah ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ansixinta saddex heshiis oo Caalami ah, kuwaasi oo kala ah heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Heshiiska Midowga Afrika ee ka-hortagga iyo la-dagaalanka Musuq-maasuqa iyo  Heshiiska Carbeed ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Mudanayasha Golaha SXhacabka ayaa Ansixiyey Heshiiska Qaramada Midoobey, waxana Ogol ugu  codeeyey 146 Mudane, wax diiday ama ka aamusay majirin.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa ansixiyay Heshiisyada Midowga Afrika iyo Carabta ee la Dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana codeeyay 145 Mudane labo Mudane ayaa diiday halka hal Mudane uu ka Aamusay.

Dhanka Kale Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa  ayaa Akhrinta Labaad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga, iyada oo dib loo dhigay Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn ee (NOGO-ska)

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ansixinta, kadib u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha ee waqtigoodu dhammaaday ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka soo socda ee 2021, kadib markii ay yeesheen kulan.