Golaha wadatashiga Qaran oo go’aankii u dambeeyey ka qaatay arrinta gobolada Waqooyi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa xalay kulan fogaan arag ah qadka ZOOM-ka ku yeeshay.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dardar-galinta Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee bilaabatay oo ay qabteen Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Soomaaliland.

Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Soomaaliland.

Kulankaan dhacay ayaa kusoo beegsaday, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu shalay shaaciyay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddiga ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka.