Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga & Abaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada  Hirshabeelle, kaas oo ka qasoomay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Hir-Shabeelle.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Shirka looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka Caasimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Kulanka Golaha Wasiirada diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada  Hirshabeelle iyadoo dhulka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaartu ka baabi’isay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay dhibaatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha inay hay’addaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaarta..