Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga Beledweyne & Abaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ka dhageystay qorshaha sugan ee amaanka looga shaqeynayo iyo howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay hay’adaha amaanka qorsheeyeen.

Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle iyadoo goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, Biyaha ,Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.