Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey guddiga maamulka hay’adaha Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaam Maaliyeedka Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goob-joog ka ahaa ansaxintii sharciga, ayaa sheegay in sharcigani uu rasmi ka dhigayaayo ganacsiga, sidoo kale na uu kor-u-qaadayaa kalsoonida macaamilka isla-mar-kaana uu fududeynaayo hab-raaca codsiga iyo bixinta laysinka ganacsiga maadaama sharcigu ogolaanaayo in si onlayn (online) ahaan ah loo soo codsan karo laysinkana loo bixin karo.

Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha la ansixiyay ayaa muhiim u ah hay’adaha dowladda, waxayna hagayaan habraacyada maareynta sharciyada iyo shaqooyinka, waxayna Goluhu ku ansixiyeen wadar ogol, kuwaa oo ay soo gudbiyeen soonna diyaariyeen Wasaradaha Maaliyadda, Ganacsiga , Caddaaladda iyo Gaadiidka.