MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay tahay 07 janaayo 2021 kulan ku yeeshay Muqdisho.
Golaha wasiiradda ayaa loo gudbiyey liiska illaa 12 Safiir si loo ansaxiyo, ayaa dib loo celiyay, kaddib markii qaar ka mid ah Wasiirada ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga.
Sababta golaha ay dib ugu celiyeen xubnaha la soo gudbiyay ayaa lagu sheegay inay hal beel u badnaayeen.
Wararku waxaa ay sheegayaan wasiirada ka soo jeeda Koofur Galbeed oo saluugeen habka awood qeybsiga iyo hal beel in loo sadbiyay.
Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Maxamed Xuseen Rooble ayaa dib u celiyay magacaabisda Safiiradaan oo gaaraya 12 Safiir.
Magacaabista Danjirayaasha cusub ayaa waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq, waxaana xubnaha uu soo jeediyay ka mid ahaa ee Safiirada loo magacaabayo Wasiiru dowlihii hore Wasaaradda Arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr.
Sidoo kaleSafiirada dib loo celiyey ayaa waxaa kamid ahaa Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.
Inta badan Safiirada Soomaaliya ay magacawdo yaa lagu saleeyaa qaab hab beeleed ah ama awood weybsiga 4.5, waxaana Wasiiradu sheegeen inay baalmarsan tahay qaabkii awood qeybsiga