Golaha Wasiirada Rooble oo hal arrin ku guuldareestay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble waxay noqdeen Wasiiradii u horreeyay ee xilliga kala guurka maareyn waayay kuna guuldareystay inay kuraas Xildhibaan ka soo helaan deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Labadii jeer ee xilligii kala guurka sanadihii 2012 iyo 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuumaddihii C/weli Gaas iyo Cumar C/rashiid, Wasiiro badan ee Xukuumadahaas ka tirsanaa ayaa soo helay kuraas Xildhibaan.

Xukuumaddii C/weli Gaas waxaa Xildhibaan soo helay oo fursadii ay xilligaas heysteen ka faa’ideystaan soo xulidii Odayaashii dhaqanka ee 135 Oday. Labadii Ra’iisul Wasaare kuxigeen Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Khaliif, Wasiiradii Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Qorsheynta iyo kuwa kale.

Sidoo kale Xukuumaddii Cumar C/rashiid Wasiiradii xilligaas joogay ayaa badi Xildhibaano ka soo qaatay doorashadii Ergooyinka ee xarumaha dowlad goboleedyada, waxaana xubnahaas ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Amniga, Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo kuwa kale…