Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2023-ka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ay kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, uuna guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay ku meel mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2023.

Miisanaddaas ayaa sida warku dhigayo ka kooban dakhli gudaha ah iyo deeq taas oo gaareysa $967.7 Milyan oo Dollar.

Miisaaniyadda sanadkan 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, uuna gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhammaadka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar, sida lagu sheegay warsaxaafadeedkan.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka ayaa dhigaya in goluhu uu sidoo kale ansixiyay heshiisyada difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku saabsan is-kaashiga gaashaan-dhigga oo ay golaha hor-keentay wasaaradda gaashaan-dhigga, si waafaqsan dastuurka iyo sharuucda dalka.