Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo Shir ugu furmay Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaan maanta Magaalada Jowhar ee Maamul Goboleedka HirShabeelle lagu daahfuray shirka banbaxa Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle oo ay furitaankiisa ka qeybgaleen Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Shir wadareedkaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay xukuumada qabato waxaana looga hadli doonaa barnaamijka xukuumadda, hanaanka abaabulka iyo wadashaqeynta Golaha Wasiiradda, waxa uuna dib u fiirin doonaa waajibaadka shaqo ee Golaha Wasiiradda iyo Wasaaradaha iyadoo la xaqiijin doono wadajirka iyo wadashaaeynta Golaha.

Golaha Wasiirada HirShabeelle oo dhowaan la magacaabay ayaa horyaala howlo adag sida:- amni darada, abaaraha iyo adeeg dowlad la’aanta ka jirta Maamulka HorShabeele.