Golaha Wasiirrada oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Miisaaniyadda dowladda ayaa ah 669 Million oo doollar ayay meel mariyeen Xukuumadda taaso oo ka kooban Mushaarka Shaqaalaha, Caafimaadka iyo mashaariicda horumarinta.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.