Goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan wadajir ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibanada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta u fariisanaya aqrinta labaad ee miisaaniyadda 2022 ee dowlada Soomaaliya, oo ah middii ugu badneyd ee Golaha Wasiirradu soo gudbiyaan kuna dhow hal Bilyan oo Dollar.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Baarlamaanka ayaa lagu yiri “Berri oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka waa Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda 2022”.

Dhanka kale Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa loo diray farriin sheegeysa inuu jiro kulankii Wadajirka ahaa ee Labada Aqal ee BFS, inkastoo aqrintii 1-aad ay dood ka keeneen in miisaaniyadda lagu wada aqriyo Villa Hargeysa haddana mar kale ayaa loo yeeray.

Miisaaniyadda sanadkan 2022 oo ay soo gudbisay Xukuumadda hadda shaqada ka sii tagaysa, ayaa gaareysa $918.7 milyan, taasoo loo gudbiyay Baarlamaanka, si uu u meel-mariyo, halka miisaaniyaddii 2021, ay ahayd, $671 milyan oo doolar.

Aqrinta miisaaniyadda ayaa ku soo beegantay xilli Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya loo heysto danbiyo maaliyadeed iyo wax is-dabamarin xooggan, isla-markaana looga yeeray xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, inkasoo uu si cad u diiday inuu aqbalo u yeeristaas.