Goodax Barre oo bedelay booskii Mahad Salaad, “Geela waa iskeenay, halgankana waa halkiisa”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Goodax Barre ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yiri “Geela waa iskeenay, halgankana waa halkiisa” hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo xalay qalalaaso xooggan ay ka dhacday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xalay magaalada waxaa laga dareemayay xiisad wayn, meelaha qaarna rasaas ayaa la maqlyay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowlad goboleedka Hirshabelle iyo weliba maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka.

Hase yeeshee waxaa soo dhaweeyay kacdoonka ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ee ka bilowday magaalada Beledweyne Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Saraakiishii hogaamineysay ciidanka la wareegay xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo Xerada Lamagalaay oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay tibaaxeen in sababta ay ula wareegeen xarumaha maamulka Hiiraan ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahayeen rabitaanka shacabka reer Hiiraan.