Guddi Baaris ah loo magacaabay isku dayga Afgembigii fashilmay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi baaris u magacaabay dhacdadii 27 December sanadkii 2021 la isku dayay in lagu afgambiyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku magacaabay Guddiga baarista oo ka kooban 5-xubnood oo ka tirsan Xukuumaddiisa, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha