Guddi uu Rooble Magacaabay oo Gaaray Magaalada Jowhar iyo ujeedka safarkooda.

JOWHAR-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna  Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta gaaray Guddiga Wasiirada ah ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guddiga Wasiirada ah ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay inay Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayna xubno ka yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga waxayna la kulmi doona Madaxweynaha Hirshabelle iyo waxgaradka ku sugan Jowhar.

Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda beel kamid ah beelaha dega Magaalada Beledweyne iyo Malayshiyaad hubeysan oo kamid ah beeshaas, kuwaas oo diidan in Cali Guudlaawe uu tago Beledweyne.