Guddiga Doorashad heer Federal oo go’aan rasmi ah ka qaatay Gudoomiye Cirro

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Doorashadda heer Federal ayaa kulamo is daba joog ahaa shalay ilaa xalay kaddib isku afgartay in xilka laga eryo Maxamed Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda heer Federaal.

Eedeymaha ugu weyn ay u jeediyeen xubnaha guddigaan Maxamed Ciro ayaana ah dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashada dalka oo ay ugu horreeyso doorashada Xildhibannada Golaha Shacabka oo la filayay in ay dhawaan bilaabato.

Waxaa sidoo kale ay ku eedeeyeen xubnaha Guddigga Doorashada heer Federaalka in Guddoomiyihii Guddigaas uu gudan wayay xilkii loo igmaday iyo Anshax xumo caada u ah taas oo kal horaba dhowr jeer sababtay in shaqooyin uu horay u hayay looga ceyriyo/buriyo.

Cirro ayaa shalay xafiiska Ra’isul Wasaaraha kula kulmay wiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo arrimaha doorashada ay kawada hadleen.

Sidoo kale Cirro waxaa kasoo horjeedo inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka oo u arka mid ka shaqeynaya danaha Villa Somalia.