Guddiga doorashada federaalka oo si cusub uga hadlay kuraastii la hakiyay

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xilli ay socdaan dedaalo la’isugu soo dhoweynayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu khilaaf ka dhex dhashay arrimo la xiriira kuraas la hakiyay ayay guddiga doorashada isku dayayaan in ay sharaxaan go’aankii ay ku hakiyeen kuraas.

Guddiga ayaa bogooda kusoo daabacay muuqaal uu isla guddiga uu baahiyay sanadkii hore, kaas oo ay kaga hadlayaan kuraasta la hakiyay, balse ay sheegeen in xilligaas ay ahayd xilligii uu xilka hayay guddoonkii hore ee uu hormuudka ka ahaa Maxamed Xasan Cirro.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa guddiga ku eedeeyay in bogga rasmiga ah ee wax lagu soo daaboco uu gacanta ku hayo xafiiska Ra’isulwasaaraha, go’aankii lagu hakiyay kuraastana uusan waxbo ka ogeyn guddoomiye Muuse Geelle.