Guddiga doorashada galmudug oo caawa war kale soo saaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hal maalin oo dheeri ah ku daray is diiwaangelinta 5-ta kursi oo horey loo shaaciyey, iyada oo is Diiwaangelinta ku egtahay 23-ka November 2021.

Ilaa iyo hadda 5-ta kursi ee doorashadoodu dhaceyso ayaa waxaa iska diiwaangeliyey 14 musharax oo qaarkood 5-ta kursi horay ugu fadhiyay iyo kuwo ku cusub Siyaasadda.

Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa Maanta tababar loogu soo xiray qaar kamid ah ergada dooraneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka gaar ahaan kursiga HOP#026 oo ay u sharaxan yihiin xubno uu kamid yahay Yuusuf Geelle Ugaas.

Guddiga doorashooyinka Galmudug