Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyay doorashada 19 kursi

MUQDISHU-AYAAMAHA-Guddiga maamulaya doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta shaaciyay liiska 19 kursi ee dhawaan la qaban doono doorashadooda, taas oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

19-kursi ayaa waxaa kujiro kuraas ay horay Guddiga u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin 19-ka kursi.

1: HOP205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir  Cabdiraxmaan

2: HOP246 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamed Jaamac

3: oo uu ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir

4: HOP240 oo ay ku fadhiso Suuri Diiriye Carab

5: HOP247 oo ay ku fadhiso Khadro Maxamed Dukaale.

6: HOP245 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Axmed Suge

7: HOP268 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

8: HOP269 oo uu ku fadhiyo Maxamed  Cabdullaahi Kaamil.

9: HOP267 oo ay ku fadhiso Saynab Maxamed Caamir.

10: HOP259 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis

11: HOP258 oo ay ku fadhiso Sahro Yuusuf Cige

12: HOP243 kursigaan waxaa horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte.

13: HOP206 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Ibraahim Cabdi

14: HOP263 oo uu ku fadhiyo Muuse Saciid Jaamac

15: HOP241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamuud

16: HOP 212 oo ay hadda ku fadhiso Nuuriye Aadan Ciise.

17: HOP207 oo uu ku fadhiyo Feysal Cumar Guuleed

18: HOP2015  waxaa kursigaan hadda ku fadhiya Faatix Saciie Xasan

18: HOP224 waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay Saalax Axmed Jaamac, balse sanadkaan uu u wareegay dhanka Aqalka Sare.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada qaar kamid ah kuraasta Maanta la shaaciyay.