Guddiga Doorashada Hirshabeelle Oo Shaaciyay Qabashada Doorashada 11 Kursi

Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.
Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.

JOWHAR-AYAAMAHA-Qoraal ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay liiska 11 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda doorashada kuraas lagu qaban doono Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa sidoo kale ku guda jira soo saarista magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada 11-ka kursi ee xalay soo saareen Guddiga doorashada Hirshabeelle.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa la filayaa in maalmaha soo socda si dardar leh ku bilaabato, kadib markii dhawaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay ku heshiiyeen in doorashada Golaha lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Guddiga doorashada.