Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo markale shaaciyay jadwalka doorashada saddex kursi.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas hor leh oo kamid ah 11 kursi oo hore loo soo saaray, kana tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Ergada doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo tababarka Ergada ay bilaabaneyso 23-ka bishaan oo ku beegan Axada soo socota.

Guddiga ayaa Jadwalkooda ku xusay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta 3-ka kursi ee tirsigoodu kala yihiin HOP056, HOP002 iyo HOP231 ay bilaabaneyso 24-ka bishaan, isla markaana Musharaxiinta tartamaya looga baahan yahay inay bixiyaan lacagta diiwaan-gelinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in doorashada kuraasta saddexda ah ee kamid ah 11-kii kursi Guddiga horey u shaaciyay la qaban doono 25-ka bishaan, iyadoo doorashada ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.

Shalay ayey aheyd markii Magaalada Baydhabo ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana maalmaha soo socda lagu wadaa in doorashooyin kale ka dhacaan halkaas.