Guddiga Doorashada Lagu Muransan Yahay Ee K/Galbeed Oo Gaaray Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa dib ugu laabtay Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la magacaabay, xili muddooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Muqdisho.

Illaa 12 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, guddigan ayaa la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii u horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, iyadoo la isku khilaafsan yahay hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September.

Warar ayaa sheegaya Inuu jiro heshiis Madaxweynaha Koofur Galbeed lagula galay oo ah inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare, waxaana heshiiskaas ka mid ahaa xilal loo magacaabay labo xubnood oo uu Madaxweyne Lafta Gareen soo gudbiyay.

Labadan xubnood ayaa loo kala magacaabay xilalka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Dhanka kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Hergalinta dooradhooyinka KGS ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Nuuradiin Ibraahim Aadan ayaa ka hadlay ujeedka Safarkooda ee Baydhabo iyo howlihii usoo qabsoomay.

Guddoomiye Nuuradiin Ibraahim oo si kooban warbaahinta ula hadlay inay dhawaan bilaabi doonaan arrimo ku aadan dardar-gelinta qabsoomida doorashada, xili uu muran taagan yahay.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku qaatay tababaro ku aadan habraaca doorashooyinka iyo sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada labada Golle ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda deegaannada maamulkaas.