Guddiga Doorashada oo shaaciyey liiska afar kamid ah doorashada Golaha Shacabka

Gudiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland

Gudiga Maamulayada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta waxaa ay shaaciyeen in Maalinta Berito oo Sabti ah qabanayaan doorashada Afar kamid ah kurasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu so bandhigay liiska Kuraasta Maalinta Berito ah la dooranayo oo kala yihiin HOP#262 HOP#229 HOP#254 iyo HOP#255.

Guddiga doorashada ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiin dhowr ah oo u tartamaya kuraasta la shaaciyay, iyagoona diiwaan-geliyay Musharaxiin, isla markaana siiyay shahaadada Musharaxnimo ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddiga ayaa dhammaan Warbaahinta iyo Goobjoogayaasha doorashada dhaceysa ku wargeliyay inay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qeyb galaan doorashada saddexda kursi ee ka dhaceysa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

1: HOP262 Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

2: HOP229 Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale

3: HOP254 Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar

4: HOP255 Xildhibaan  Axmed Maxamuud Maxamed

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa hakad gashay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, balse xal buuxa ayaa laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada