Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay tartanka afar kursi xilli doorashada walaac weyn laga muujinayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo saaray jadwalka doorashada afar kursi oo aqalka hoose ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed guddiga uu soo saaray.

Afartan kursi ayaa mid kamid ah waxaa loo xiray in ay kaliya ku tartamaan haween, waana kursiga sumadiisu tahay HOP 232.

Doorashada kuraastaan ayaa ka dhicidoonta magaalada Garowe, waxayna doorashadooda kusoo aadaysaa iyadoo walaac laga muujinayo sida ay ku bilaabatay doorashada Puntland.

Musharraxiin ayaa sheegay in ay guddiga xallinta khilaafaadka u gudbinayaan dacwad ka dhan ah habkii loo doortay qaar kamid ah kuraasti la doortay 22kii bishaan January.

Guddiga doorashada ayaa lagu eedeeyay in uusan dhex dhexaad ka ahayn doorashada islamarkaana uu ka amar qaato rabitaanka kasoo yeera madaxtooyada Puntland.