Guddiga Doorashada Somaliland oo soo saaray Jadwalka Diiwaangalinta musharixiinta u tartameysa golaha Shacabka

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta
Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga maamulka doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa  goordhaw soo saaray jadwalka diiwaangalinta musharaxiinta u tartameysa ilaa lix kursi oo ay horey u shaaciyeen qabashadooda.

Qoraalka kasoo baxay guddiga Doorashada gobolada Waqooyi ayaa lagu sheegay in mudo sadex maalin ah soconayaan diiwaan gelinta qabashada codsiga iyo xaqiijinta shuruudaha laga rabo musharaxiinta.

20ka illaa 22-ka November 2021 waxaa kaararka aqoonsiga qaadanaya Musharixiinta u tartameysa sagaalka kursi, waxaana ay marayaan buuxinta shuruudaha uu diyaariyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka sida in uu musharaxa shubo lacagta la hordhigay.

Gobollada Waqooyi ayaa daah-furay Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad 1-dii November 2021, Labo Xildhibaan oo keliya ayaa laga doortay 275-ta Mudane ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka.