Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga oo shaaciyay Odayaasha soo xulaya ergada Shanta kursi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga ayaa shaaciyay Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xuli doonta Xildhibaanada beellaha Banaadiriga.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga Sacdiyo Cali Boloy ayaa sheegtay in doorashada ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota.