Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo dooranaya Guddoomiye cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa wakhtiyada soo aadan la filayaa in Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya ay doortaan guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka (FEIT) heer federaal, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cirro.

Xilkan ayaa waxaa u tartamaya Cabdicasiis cabdiraxmaan Yuusuf, kaasi oo ka mid ah guddiga doorashooyinka, islamarkaana horey ula tartamay guddoomiyihii hore ee xilka ka qaadista lagu sameeyay.

Guddigan ayaa marka ay doortaan gudoomiyaha Cusub waxaa looga fadhiyaa in ay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.

Shalay ayay aheyd markii Golaha wadatashiga Qaranka ay soo saareen jadwal rasmi ah, kaasi oo ku aadan waqtiga ay bilaabanayso doorashada golaha shacabka iyo xiliga la soo gaba gabeynayo.

Tani ayaa hadii ay dhacdo waxay dhabar jebin kale ku noqoneysaa madaxweyne farmaajo iyo saaxiibadiisa maadaama Cirro uu iyaga taageerayey balse dhawaan xilka laga qaaday.

Guddiga bartooda facebook oo gacanta ugu jirtay Nabad iyo Nolol ayaa dhawaan dib looga soo bixiyey taas oo guddiga ay hadda maamulayaan.