Guddiga Doorashooyinka Ee Lagu Muransan Yahay Oo Laga Raray Hotelkii Ay Deganaayen

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa la sheegay in laga raray Hotelka Decale ee dhex ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka ayaa muddo todobaadyo ah ku shaqeynayay Hotelka Decale, isla markaana ay kulamo kula qaateen Safiiro iyo xubno kale Guddiga kala hadlay arrimo ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Guddigaas la dejiyay dhismo ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo ay ku shaqeyn doonaan, Lamana oga sababaha looga raray Hotelka Decale ee ay horay u deganaayeen.

Lama oga in tallaabadaas ay bilow u tahay qorsha la damacsan in xubno ka tirsan Guddiga is bedel lagu sameeyo, kaddib markii dhowaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Khadar uu sheegay in dowladda diyaar u tahay in hal iyo labo xubin inay guddiga ah is bedel ku sameeyaan.