Guddiga Doorashooyinka FEIT oo war Deg Ded ah soo saaray

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in waqtigii loo qabtay dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Shahaadooyinka la siiyay ay dhaceyso, kaas oo ku beegan 14-ka Bishaan oo Maalinta Kahmiista ah.

Qoraal Maanta kasoo baxay Guddiga ayaa la ogeeysiiyay dhamaan Xildhibaannada Shahaadada qaatay in Maalinta Kahmiista ah ee soo socota inay tagaan Teendhada Afisiyooni si loo dhaariyo.

” Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub. Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni. Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay ugu baaqeen Xildhibaannada labada Aqal ee aan weli qaadan Shahaadada iyo kaararka aqoonsiga inay qaataan ka hor 14 Bishaan si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhaarinta.

Tallaabadaan ayaa umuuqata mid R/wasaare Rooble & Guddiga FEIT ay uga dhabeenayaan dib udhac kale inaysan ogolaan karin howlaha doorashooyinka.

Lama oga in xildhibaanada laga soo doortay deegaan ahaan KG inay soo xaadiri doonaan dhaarinta loo madlan yahay Maalinta Khamiista ah.