Guddiga doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada 8 kursi

Doorashada golaha shacabka
Doorashada golaha shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorasho ee 8 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Dhuusamareeb.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay in Guddiga uu qabanayo doorashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya kuraasta ay bilaabaneysaa 12-ka bishaan Febraayo 2022.

Kuraasta la shaaciyay ayaa ka mid ah kuwa ugu loolanka adag ee sida weyn loo hadal haayo, waxaana doorashadooda la qabanayaa 13-14 bishan Febraayo.