Guddiga Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug oo soo gaba-gabeeyay doorashada xildhibaanada labada gole.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Galmudug ayaa soo gaba-gabeeyay doorashada xildhibaanada labada gole ee aqalka sare iyo golaha shacabka BJFS.

Doorashada golaha Aqalka sare oo sideed xubnood aheyd ayaa lagu qabtay aqalka barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug, halka doorashada golaha Shacabka oo ka koobneyd 37 xubnoodna lagu kala qabtay magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Gaalkacyo oo ah labada deegaan doorasho ee loo asteeyay Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Galmudug Maxamed Daahir Guuleed iyo guddigiisa ayaa ku guuleystay in waqtiga loo qabtay doorashada oo maanta ku beegneyd ay dhameystiraan ayada oo ay marxalado adag ay wajaheen muddadii doorashada ay socotay.

Dhanka Qoondada haweenka, 37 xubnood ee golaha shacabka waxaa ay ka heleen 9 xubnood xubnood, halka 8 xubnood ee aqalka sare ay ka heleen 2 xubnood haweenka.