Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo diiday dalabkii Midowga Musharrixiinta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro ayaa ku tilmaamay arrin aan suurtagal ahayn hakinta Doorashada Golaha Shacabka si loo saxo qaladaad cabasho laga keenay doorashada.

Maxamed Xasan Cirro Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka FEIT oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa ku taliyay in la isku dhex wadi karo sixida cabashooyinka iyo qabashada doorashada iyadoo mudada doorashada la ilaalinayo.

“Waxa hadda socda waa Doorasho nooceedu dadban yahay oo ay ku heshiiyeen madasha Wadatashiga qaranka, suuragal ma aha in la hakiyo Doorashada balse iyada oo la wado in la saxo waxa jira waa waajib, marweliba waa in la saxo waxa aan heysano oo la fiiriyo waxa laga cabanayo” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro.

Cabasho badan ayaa ka timid doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, iyada oo kuraasta qaar doorashadooda lagu laabanayo.

Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay ka qeylo dhaaminayay sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka ayaa dalbaday in la joojiyo doorashada balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay sheegeen in aan la joonineyn.