Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo maanta dooranaya guddoon cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta lagu waddaa in ay magaalada Muqdisho ay ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Ciro.

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in si rasmi ah loo doorto gudoomiyaha guddiga si loo sii waddo doorashada heer Federaal oo ah mid dhaaftay xilligii loogu tala galay.

Loolan xoogan oo kuwajahan Doorashada gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa xalay ka socotay Muqdisho.

Labada dhinac ee is haysa waa Farmaajo iyo Rooble, oo ay koox kasta doonayso in ay jagadan qof dhankeeda kasocdaa ku guuleysto.

Waxaa sidoo kale socda olole la doonaayo in xilka looga qaado gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka heer Federaal xilli aysan dooran guddoon xubnaha cusub ee guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka.