Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo war cusub kasoo saaray doorashada Dhuusamareeb

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed-Safiino-

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta oo Talaado ah shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay  in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu ugu baaqay Ergada wax dooraneysa inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo  la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.