Guddiga Doorashooyinka HirShabeelle oo shaaciyey kuraas uu ku jiro midka Fahad Yaasiin

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka Doorashooyinka D/G Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay Jadwalaka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Beledweyne.

“GHDHF waxa ay shaacinayaa in Guddiga Maamulka Doorashooyinka D/G Hirshabelle ay ku dhawaaqeen Jadwalaka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada BALADWAYNE, waa magaalada labaad ee deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Hirshabelle”