Guddiga doorashooyinka HirShabeelle oo texgelin waayey cabashaddii musharaxiinta kursiga UH#07

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer federaal ee HirShabeelle ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday cabashadii musharaxiinta kursiga kamid ah kuraasta aqalka sare ee HirShabeelle oo kala ah Senator Cismaan Macow iyo Cabdinuur Ibraahin Nuur.

Guddiga ayaa sheegay inuusan jirin qodob kamid ah habraacyada doorashooyinka aqalka sare oo la jabiyay, taas oo dadka qaar ay ku micnyeen in aan waxba laga soo qaadin cashada musharaxiinta, waxayna ugu baaqeen in musharaxiinta cabashada soo gudbiyay ay ku soo laabtaan deegaan doorashadooda.

Ilaa iyo hada majirto qodob kasoo baxay Guddiga doorashooyinka HirShabeelle oo ay ku qanci karaa musharaxiinta cabashada ah, waxayna qoraalkooda kusoo gabagabeeyeen in ay dhakhso ah ku yimaadaan Jowhar.

Musharaxiinta shalay kusoo laabtay Muqdisho ayaa soo gudbiyey cabashooyin waaweyn oo ay kamid yihiin in dil loogu hanjabay, hanjabaadaas oo sida ay sheegeen kasoo baxday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee HirShabeelle.

Lama oga meesha ay ku dambeyn doonto balse waxaa meeshaas ka baxaya, aragtadii laga qabay Maamulka HirShabeelle ee daahfurnaanta doorashada iyo in Musharaxiinta ay ku laaban doonan Jowhar.