Guddiga Doorashoyinka Gobolada Woqooyi oo shaaciyay Jadwalka 7 kursi

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta
Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Somaliland oo billaabay diiwaangelinta musharixiinta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa sheegay in Maanta oo taarikhdu tahay 12 Bish labaad la bilaabi Doono Diwaangelinta Ergada, tabobaridda,  qabashada Codsiyada iyo xaqiijinta Shuruudaha Musharaxiinta, ayna socon doonto ilaa 15-ka Bisha.

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Labada aqal Ee Somaliland ayaa sidoo shaaciyay in Kuraasta Tirsigoodu yahay 1-HOP#212. 2 HOP#207 3-HOP#246.  4-HOP#258. 5-HOP#259. 6-HOP#243 7-HOP#258 ay Doorashadoodu dhici doonto 16  Bisha 02-2022.