Guddiga FEIT oo saakay bilowday bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada Labada Aqal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa saaka oo sabti ah bilaabay bixinta shahaadooyinka xildhibaanada labada aqal.

Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) ayaa noqday xildhibaankii ugu horayay ee la siiyo shahaadada xildhibaanimada baarlamaanka 11-aad.

Caana-nuug ayaa ku guulaystay kursiga tirsigiisyo yahay HOP#108, waxaana uu si rasmi ah hadda uga mid noqday mudanayaasha baarlamaanka 11-aad.

FEIT ayaa shalay shaaciyay in ay bilaabayaan bixinta shahaadooyinka xildhibaanada labada aqal si loo dhaariyo 14 bishaan April.