Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Shalay Ee Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa soo dhoweyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay oo Isniin ahayd , 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashadan wuxuu ku ammaanayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro, wuxuu ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqotay bilaabidda doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo qeyb ka noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% Senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada Aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.