Guddiga ka shaqeeya Doorashada Guddonka Golaha Aqalka Sare oo la magacaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa magaacabay Guddiga ka shaqeeya Doorashada Guddonka Golaha Aqalka Sare.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad waxayna doorteen Guddoon.

Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed ayay u doorteen Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Aqalka Sare

Senator Samsam Daahir Maxamuud guddoomiyaha Diiwaan gelinta murashaxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare

Senator Farxaan Cali Xuseen Guddoomiyaha Maaliyadda Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare