Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda Oo Shaqo Billaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda ee Heer Qaran iyo Gobolka Banaadir ayaa kormeero ku sameeyay howlaha diyaar garow ee ka socda goobo muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xuso dabaal-degyada Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Kormeerkaas sameeyay, iyagoona boogaadiyay Howlaha halkaasi ka socda.

Howl ka dib ayaa gudiga kormeekiisa  ku sii gaaray taalooyinka dhagax tuur iyo sayidka oo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan munaasabadaha waxa ayna shaqaalaha howsha wada kula dardaarmeen inay sii dada jiyaan shaqada maadaama fooda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyada ee loo dabaal dagayo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Caasimada Muqdisho ka wada Barnaamijyo dib loogu soo celinayo Bilicda Caasimada isla markaana loogu diyaar garoowayo xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.