Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare oo soo saaray liiska 41 Jaamacadood oo dowladdu aqoonsatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liis ay ku shaacineyso 41 jaamacadood oo ay aqoonsatay wasaaraddu.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in jaamacadahaas oo kamid ah kuwa dalka ka jira ay kasoo gudbeen wajiga 1-aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diiwaan-gashnaa Wasaarada Waxbarshada Hidaha iyo tacliinta sare.

“Jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxeey heli doonaan fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda. Guddiga ayaana sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.