Guddiga tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda oo war cusub soo saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray jamaacado horey looga reebay liiska Jaamacadaha ay wasaaradu aqoonsan tahay.

Guddiga ayaa waalidiinta ku wargeliyey inay aqoonsan tahay jaamacadahaan ayna ruqsad waxbarasho ka haystaa wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare waxuu ku Wargelinayaa Jaamacadaha hoos ku xusan, Waalidiinta iyo Ardayda Jaamcadaha in Jaamacadahaani heystaan Ruqsadda iyo Diiwangelinta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xaqna ay u leeyihiin in ay howshoodi Waxbarsho ee ay bulshadda u hayeen wali sii wadan karaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada.

Guddiga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa fasaxay 63 Jaamacadood oo hore u sheegeen in aysan ka gudbin qeybta 1-aad dib u eegista Tayada Jaamacadaha.