Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Gaaray Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Guddiga xalinta Khilaafadka doorashooyinka heer Faderaal oo saakay ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa wafdigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafadka doorashooyinka Cabdullaahi Ebyan Nuur kusoo dhaweeyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland iyo xubno kale.

Xubnahan Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo maalinta Khamiista ka dhici doonta Kismaayo.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Jubaland.

Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, mana jiro weli dhaq-dhaqaaqyo doorasho oo ka socda maamul Goboleedyada kale ee dalka, xili dib u dhac uu ku yimid Jadwalka doorashada