Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo kusii jeeda Dhuusamareeb+Ujeedka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saacadaha sooa aaddan la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ay gaaraan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee senatorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in Dhuusamareeb ay si toos ah uga billaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee Maamulkaasi kasoo galaya dowaldda, waxaana sidoo akle garab socda hardan xooggan oo ka jira kuraasta halkaasi taalla.

Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka diorashooyinka ayaa horay goobjoog uga noqday doorashooyinkii ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.